Weligaa ma dareentay inaadan runtii u qalmin guushaada? Ama in
dadka kale ay hubaal kaa yaqaanaan si ka badan adiga? ayagana ay u malaynayaan
in aad wax ka badan ka taqaanid?
Waxa laga yaba ina qabtid imposter syndrome?
Hadaba
waa maxay imposter syndrome?
Impostor syndrome waa
dhacdo psychology ah oo uu qofku ka shakiyo xirfadiisa, kartidiisa, ama
waxqabadkiisa oo ay ka qabaan cabsi joogto ah in lagu soo bandhigo
qiyaano ama in uu uqalmin qadarintaas ama guulahaas.
Dadka la dhibtooda 'imposter syndrome' waxay aaminsan yihiin inaysan u qalmin guulahooda iyo
qadarinta sare ee ay ka helan bulshada, Waxay dareeman inaysan u qalmin ama u
caqli badnayn sida dadka u maleyaan iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan ay
dadku ogaan doonaan runta iyaga ku saabsan.
Inta badan dadka dareema
imposter syndrome aya ah, dadka u shaqeeya sida aday, guulo sare gaaray iyo
kuwa dhamestiran/perfectionists ay u badan tahay inay dareemaan, oo ay ku
jiraan dhakhaatiir badan, aqoon yahano iyo dad caan ah. "Xitaa Albert Einstein
mar sheegay in uu u malaynayay in cilmi-baadhistiisu ay heshay attention ka
badan intii uu moodayay inay u qalanto," Dr. Albert ayaa yidhi.
cilmi-baaris ayaa waxay soo
jeedinaysaa, Qiyaas ahantii 25 ilaa 30 boqolkiiba kuwa guulaha sare
gaara waxa laga yaabaa inay dareemen 'imposter syndrome'.
Qiyaas ahantii 70 boqolkiiba dadka waaweyn ayaa laga yaabaa inay la kulmaan
dareen kaa nooca ah ugu yaraan hal mar noloshooda.
2 hab oo imposter syndrome
u sameyn karo noloshena
1. Ma doonayno in nala arko : Ma rabno in nala arko ama
aan meel kaso muuqano, sida inan ka cabsano kahadla shirarka ama fagaara
kahadalka/public speaking, anaga oo ka cabsaneeno in nala arko sida an u
fakireeno lakin ogow in qof waliba kugu aqbali doono sida aad tahay.
2. Marka wax nagu cusub yihiin : Mar waliba an wax cusub bilaabeno waxan dareenna
cabsi fara badan. xita marmarka qaar waxan ka cabsana inan ka fakirno wax
cusub. In la bilaabo waxyaabo cusub sida shaqo cusub,bilaabida mashruuc cusub
ama xita nolol cusub waa adag tahay. Waxayna ina dareensiisaa raaxo la'aan.
lakin hadii aad rabtid inad hormar sameysid wa inad ka baxda xirada
nafiska/comfort zone.
Sided
uga guulaysan kartaa
1. Aqoonso waxa aad markas dareemeso: in aad aqoonsatid
waxa aad dareemeso waa waxyaabaha ugu horeeyo aad kaga guulaysan kartid
imposter syndrome.
2. ogow qof waliba inu soo maro: ogow qof
waliba oo aduunka joogo wuxuu dareema ama uu qabo imposter syndrome.
3. fahamka kafakirka waxa dadka kale ka aaminsan yahin: fikrada
ah in aan dhamaanteen u maleyno in dadkale ina eegayaan ama naga fakirayan oo
ay ina xukumayan/judging us, lakin dhab ahaantii qof kasta wuxu ka fakiraya
naftisa.
Ma ahan inaad imposter
syndrome ka u aragtid wax xun, ee waa inaad u ogaata in ay tahay wax qof waliba
dareemo.
Hada oo aad taaqaanid
imposter syndrome waxa uu yahay iyo sida uu no saameyo, maxa sameyn
lahed oo ka duwan wixii aa sameyn jirtay?
0 Comments