4 hab aad ku joojin kartid fakirka tirada badan/overthinking

Waxaa laga yaabaa inaad dareento inaad tahay kan kaliya ee soojeeda habeenkii, adoo ka fekeraya go'aanka aad hore u qaadatay maalintaas ama ka welwelsan tahay waxa aad biri qaban doonto, fariin nooce dira, xita wax yabaha fudud sida dhar nooce xirata Laakiin keligaa ma tihid cilmi-baadhis ayaa waxay soo jeedinaysaa 73% dadka da'doodu u dhaxayso 25-ilaa 35-sano jir inay si joogto ah u fikiraan, oo ay la socdaan 52% dadka da'doodu u dhaxayso 45 ilaa 55.

Sii wad si aad u fahanto sababta aad sidaas ugu fakiraysid iyo sidaad u  joojin laheed.

Overthinking hadan u fiirino af-somali ahan wa inaan wax saa'id uga fakirno, lakin overthinking marka la'eego waa in aan ka fakirno ah wax si xad dhaaf waliba fakir an meelna na gaarsinenin ama naga hor istagi doono inan go'aan qaadano, maxa yelay waxan aamin sannahy mar waliba an said uga fakirno wa mar waliba an xog fican kasii ogankarno waxa an markas ka fakireeno.

In kasta oo ay dabciga bini’aadamku tahay in uu wax walba ka fakiro marka uu go’aan qaadanayo ama la qiimaynayo xaalad, waxa ay noqonaysaa overthinking/ marka aanad madaxaaga ka bixi karin ama ay maskaxdada kuso laalaabto fakirkas.

Fakirku goormu noqda overthinking/wax inad said uga fakirtid? waa marka aad joojin karin walwelkas, waa marka aad wax badan u fakirtid aadna u noqotid paralyse, aadna awoodi weydid dhab ahan inad go'aan qadatid ama ad sameyso wax tallaaba ah.

sideed ku ogaan karta inad xaaladas ku jirtid 

  • waxad mar waliba ka walwasha mustaqbalka waxa dhici doono: tusaale marka an rabno inan wax  sameeno mustaqbalka sida mashruuc cusub oo kale, kadibna an bliowdno inaan said uga welwelno taas oo naga dhigi doonto inan ka welwelno ama ka fakirno halkii an ka sameyn lahayn.
  • waxad ka fakirta wixii hora u dhacay: waa inaad saa'id uga fakirtid wax hore kuugu dhacay sida inaan sida inas isdhahdid "maxan u sameyn wayay" ama "maxan sidas uga falcelin wayay" oo kale aadna awoodi weydid inad ka gudubtid ama iska ilowdid wax hore u dhacay.
  • waxad sameysa analysis paralysis: waa inaad wax si xad dhaaf ah u falanqeysid adiga oo ku laalabanaya kana cabsanaya inad go'aan qaldan aad qadatid kadibna ay noqoto inad wax go'aan ah aad qadan weyso.

4 hab aad ku joojin kartid fakirka tirada badan/overthinking 

  1. Ogow inaa wax saa'id uga fakirtid ama uga welweshid ayna ku caawin doonin: waa caadi inad falanqeysid, ka fakirtid lakin joogo inad si xaddhaf ah u sameysid.
  2. Waa ina ogata marka aad overthinking sameyneysid: taas waxay ka caawin doonta ina xakameysid marka ay timado, side ku xakamene marka? iskuday ina malin waliba qortid waxa aad ku fakireysay maalintas, waqti dheer kadib waxa ogan doonta marka aad overthinking/si saa'id ah u sameyneysid iyo marka kale.
  3. Isku day ina ku badasho fikradaha xun kuwo fiican: maskaxdeena waxay overthinking sameysa marka ay dareemeyso walaac/anxiety, marka ku badal fikradaha xun-xun kuwo fican sida inta aa dhihi lahayd kawaran hadii la iso aqbali wayo oo kale ina dhahdid laga yaabe in la iso aqbalo.
  4. ogow in overthinkingku uu yimado marka an cabsaneyno: sida hadii an sameyo x, kawaran hadan ku guuldareysto, dadka sidey ii arki doonan iyo kuwo kale. marka kaliya waxa an ku joogin karna cabsidaas ama fakirkas wa inan naftena u shegna inay wax ka badali doonin ay kaliya tahay qibrad an ka qadan dono haday xumatana ka tagi doono.

"hadii aad murugeysan tahay waxa ku nooshahay wixii hore/past.
 hadii aad welwelsan tahay waxa aad ku nooshahay mustaqbalka/future.
 hadii aad ay maskaxdada dagan tahay/peace waxa ad ku nooshahay waxti xadirkan/present.

 -Lao Tzu


Post a Comment

0 Comments